AFRICOM oo war kasoo saartay duqeyn ka dhacday J/dhexe

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 25/8/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Saakow Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

AFRICOM ay sheegtay inay weerarkaas ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa Jeneraal Bradford Gering.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in xasilinta xaalada amni ee Soomaaliya kaliya lagu gaari karn qaab Millateri, balse loo baahan yahay dowladnimo adag iyo bixinta barnaamijyo dhaqaale iyo fursad siinaya dadka Soomaaliyeed.