CC Warsame oo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo jabin Dastuur

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku eedeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu jebiyay qodob soo jireen dastuuri ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay in 30-kii Maalmood ee Madaxweyne Farmaajo uu u heystay soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu jebiyay, qodobkaas oo ahaa mid soo jireen dastuuri oo madax ka horeysay ay ku dhaqmayeen.

Sidoo kale Siyaasiga waxaa uu sheegay in Madaxweynihii 3-kii berri ixtiraami waayay aan laga sugeyn uu aqbalo  in Afartii sano ee waqtiga xilheyntiisa ay ka dhamaatay sida uu hadalka u dhigay.

25-kii Bishii la soo dhaafay ee Jully ayaa Xildhibaanannada Golaha Shacabka ay kalsoonida kala laabteen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare kheyre, waxaana muddo ka badan 30 Maalmood dalka uusan laheyn Ra’iisul Wasaare welina Madaxweynaha laga sugayo in uu soo Magacaabo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

“Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran. Madaxweyne Farmaajo in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireenkii dastuuriga ahaa, waxey xoojineysaa dhaqankiisii dastuur ku tumashada ahaa. Waxey kaloo tilmaam ka bixineysaa ninkii 30 beri ixtiraami waayey, in aan laga sugaynin in uu aqbalo in 4-tii sano ka dhammaatay. Ninka aan dastuur ixtiraamaynin maxaa lagu aaminayaa in uu dhowro? Madaxweyne dastuurka ilaali oo magacow raysalwasaare dalka ka bixiya xilliga kala guurka.