Doon sida qoxooti cusub oo kasoo cararay Yemen oo soo gaartay Boosaaso (Sawirro)

Doon sida qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa saa gaartay Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Qaxootigan oo tiradoodu ay gaareyso 45 qof, ayaa kasoo cararay Dagaallada iyo Colaadaha ka jira dalka Yemen, waxaana Dekedda Boosaaso kusoo dhoweeyey Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland u qaabilsan Qaxootiga, iyadoona loo gudbiyay xarunta qaabilaadda qaaxootiga ee Magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa marti-galisay qaxooti fara-badan oo kasoo cararay colaadaha dal aan Walaalaha nahay ee Yemen, kuwaas oo kunool, laguna soo dhaweeyay Magaalooyinka waa weyn, sida Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay ka hirgaliyeen hal-abuuro ganacsi.