Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalada Sool iyo Sanaag oo la barayo xalinta khilaafaadka (VIDEO)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku qabatay Tobabar ku saabsan maareynta iyo xalinta khilaafaadka, adkeynta Nabadda, Iyo Dib-u-hishiisiinta.

Tobabarka oo socon doono muddo Labo cisho ah ayaa waxaa iska-kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Ururka IGAD iyo Hay’adda UKAID. Iyadoona ay ka faaideysan doonaan qaar kamida ah bulshooyinka iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalada Sanaag Iyo Sool.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq Maxamed, oo uu wehlinayo agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa daahfuray Tobabarka, waxaana Goob joog ahaa Qaar kamid ah Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.