Kheyre oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Muqdisho, Yaa bixiyay amarka ?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta loo diiday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo rasmi ah u sheegeen Shabakadda Idil News.

Xasan Cali Khayre ayaa ku sii jeeday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabi lahaa olalihiisa Doorasho iyo shirar ka dhan ah Zaaxiibkiisii hore Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidammada Ilaalada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ay Kheyre ku war-galiyeen in lagu amray in uusan ka duuli karin Garoonka, sidaas darteedna uu isaga laabto hoyigiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in amarka lagu celiyay Kheyre ay bixiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, wallow aan la ogeyn ujeedada ay u diidayaan inuu baxo maadama Xafiiska uusan Ku-sime ahaan u joogin, oo uu Sii-haye ka yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisii hore Mahdi Maxamed Guuleed.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.