Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ku wajahan Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, oo kulamo ku leh magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay soo saaraan War-murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan marxalada siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.

Warar aan ka helnay Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland todobaadka soo socda ay tagi doonaan Muqdisho, halkaasna uu mar kale ka furmi doono wareeg kale oo ah Shir ay isugu imaanayaan DFS iyo DXDF.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiray dalab Madaxweyne Farmaajo ka yimid oo ahaa inuu Garowe ugu yimaado Madaxda Puntland iyo Jubbaland, balse taa bedelkeed ay u sheegeen in iyaga ay Muqdisho imaanayaan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalinta berri dib ugu laabanayaan Kismaayo, si ay xaga uga soo aadaan Muqdisho.