Madaxweyne Farmaajo 3 sanno iyo bar kahor wuxuu aaminsanaa maanta ma ilaaway ? (VIDEO)

30 cisho kaddib radistii Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Kheyre, Madaxweynaha DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaan weli soo magacaabin Ra’iisul Wasaare cusub oo sida uu sunuhu ahaa lagu soo magacaabi jiray 30 Berri gudahood, sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo kaddib magacaabistii Raiisul Wasaarihii hore ee Dalka Xasan Cali Khayre.

Farmaajo ayaa noqday Madaxweynihii u horreeyay taariikhda oo aan muddo 30 cisho Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabin, illaa iyo 1960 iyo dowladihii isaga kala dambeeyay burburkii kaddib waxaa dhaqan siyaasadeed u aheyd in Ra’iisul Wasaaraha lagu soo magacaabo muddo 30 cisho gudahood.

Axdi Qarameedkii Dowladdii KMG lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004 ayaa dhigayay in Madaxweynaha uu ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha muddo 30 cisho gudahood.

Dastuurka KMG ee sanadkii 2012 la diyaariyay ayaa wax muddo ah ku qorneyn magacaabidda Ra’iisul Wasaare.