Madaxweyne Farmaajo oo hakiyay dhaqaale la siin lahaa Dowlad Gobaleedyada

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu hakiyay bixinta Lacag dhowaan ay ku qeybsadeen Magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Lacagtan oo gaareysa 70 Milyan ayaa ah kabka Miisaaniyadda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, waxaana ugu deeqay Soomaaliya Bangiga Adduunka, Wasiirada Maaliyadda ee ku shiray Muqdisho todobaad kahor ayaana u qeybsaday,

Dowladda Federaalka 19 Milyan oo dollar

Somaliland 11 Milyan

Puntland 9 Milyan

Galmudug 4 Milyan

Koofur Galbeed 3 Milyan

Jubbaland  3 Milyan

Hirshabeelle  3 Milyan

Gobolka Banaadir 3 Milyan

Lama oga sababta ka dambeeysa hakinta Madaxweyne Farmaajo uu ku sameeyay dhaqaalahan oo maalmahan la filayay in lagu shubo Accoun-da Wasaaradaha Maaliyadda Dalka, waxaana jira warar sheegaya in  Farmaajo uu ku xumeynayo Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Madaxweynaha kaga adkaaday Masraxa Siyaasadda iyo Arrimaha Doorashooyinka.