Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Xildhibaanada Beesha HAWIYE & fariin loo diray

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,  ayaa kulan isugu yeeray Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye, kaddib fariimo loo diray Xildhibaanada, kuwaas oo laga codsaday inay yimaadaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Fariinta oo lala wadaagay inta badan Xildhibaanada Beesha Hawiye ku matala Golaha Shacabka BJFS, ayaa looga dalbaday in ay soo xaadiraan Madaxtooyada habeenka jimcuhu soo galaayo oo taariikhdu tahay 27/08/2020 8:00 Fiidnimo, ayna ilaaliyaan waqtiga, wallow aan lagu cadeyn fariinta ajandaha kulanka.

“Wargelin: Madaxweynaha JFS ayaa soo dalbaday xildhibaanada HAWIYE maalinta Khamiista habeenka jimcuhu soo galaayo oo taariikhdu tahay 27/08/2020 8:00 Fiidnimo inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada villa somaliya. NB. Xildhibaan waqtiga ilaali oo gaarsii sxbadaa”

Madaxweyne Farmaajo oo ay kasoo oodmeen Albaabadii rajada ee ku aadanaa Muddo kororsi, Doorasho qof iyo cod ah oo ku shabasho ah iyo Afduubashada ka go,aan gaarista masiirka xiliga kala guurka ah, ayaa hada u muuqda inuu bilaabay xoqoshada iyo dib u soo celinta Hanaankii qabaliga ahaa, si uu uga dhex raadiyo fursado cusub, kuwaas oo adkaan doona.