Madaxweyne QoorQoor oo magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug (Akhriso)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug, isagoona u magacaabay Cabdicasiis Nuur Xuseen.

Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne QoorQoor.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto,2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug

Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.
Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.
Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.
Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM
Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM
Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM

         Wuxuu soo saaray xeerkaan:
                      Qodobka 1aad 

Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM
Qodobka 2aad
Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.

Xeer ilaaliyaha cusub ee Galmudug.