Maxkamadda Gobalka Nugaal oo u fariisatay Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee Hooyo Hodan (Sawirro)

Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Nugaal ayaa maanta u fariisatay mar kale dhageysiga Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland loogu geystay sanad iyo bar kahor AUN Marxuumad Hodan Shanleyste oo aheyd Hooyo dhashay labo Carruur ah.

Eedeysanayaasha loo haysto Kiiskan oo gaaray 7, ayaa marar hore kasoo muuqday Maxkamadda oo dhageysi dheer kaddib ku amartay Xeer ilaalinta inay soo dhameystiraan cadeymaha gal dacwadeedka Kiiskan, oo ay isha ku hayaan Shacabka Puntland.

Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Nugaal ayaa dhageysan doonta cadeymaha Xeer ilaalinta iyo difaacayaasha eedeysanayaasha, iyadoona intaas kaddib go’aan ka gaari doonta.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.