Puntland oo Mashaariic uu ku jiro Ceel-biyood ka hirgalisay Degaanka Dawacaley (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta Axmed Bashiir Muuse (Cirro), iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku tagay degaanka Dawacaley ee Degmadda Isku-shuban ee Gobolka Bari.

Wasiir Cirro ayaa xariga ka jaray Saldhiga Booliska, Dugsiga waxbarashadda & Ceel-biyood ay Dowladda Puntland ka hirgalisay degaanka Dawacaley ee Gobalka Bari.

Wasiir Cirro ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Xildhibaan Sharmaarke Cali Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Wakiillada Dawladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Biyaha, Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Taliyaha Qeybta Booliska.