QoorQoor oo u diray Xildhibaanada Galmudug fariin ka careysiisay

Xillibaanadda Baarlamaanka Maamulka Galmudug ahaa fariin loo diray loogu sheegay in waqtiga ay tagi karaan Madaxtooyadda lagu soo koobay 2 maalmood kaliya, halka markii hore xilli walba ay tagi kareen.

Maalmaha Axada iyo Arbacada ayaa loo sheegay Xildhibaanada inay imaan karaan Madaxtooyada, ayna ka mamnuuc tahay maalmaha kale.

Arintan ayaa lagu cadeeyay fariin ka timid Madaxtooyadda oo loo diray Xillibaanadda Barlamaanka Galmudug, taas oo la sheegay inay ka caroodeen qaar kamid ah Xillibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug.

Go,aanka oo la sheegay inuu kasoo baxay Madaxweyne QoorQoor ayaa ka dambeeyay kaddib markii Xildhibaano ka careysan Is hor-taag uu ku sameeyay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Galmudug ay mooshin ka gudbiyeen mooshin.