Safiirka Soomaaliya ee Nigeria oo laga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ee safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Danjire Jamaal Maxamed Barrow.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Nigeria ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Safiirka dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Nigeria Danjire Jamaal Maxamed Barrow, ayada oo ciidamada Qaranka wadanka Nigeria uuka qaatay salaam qaas ah ay siiyeen safiirka.

Intaasi kadib Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria ambassador Jamaal Maxamed Barrow, isagoo xusay inay xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya Labada dal.

Dalalka Soomaaliya iyo Nigeria ayaa xariir qoto dheer hore ugu lahaa, waxaana burburkii dalka kaddib uu ahaa mid gaabis uu ku yimid maadaama dowladii dhaxe ee dalka ay meesha ka baxday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo celisay xariirka kala dhaxeeya dowladda Nigeria oo ka mid ah wadamada ugu horeeya Qaaradda Afrika, waxaana Danjire Jamaal Maxamed Barrow horyaala howlo badan oo ah kor u qaadista xariirka labada dowladood iyo soo nooleynta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada wadan.