Siyaasi CC Warsame oo marti ku ah Madasha PDRC Talks ee Garoowe

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi Cabdirahman Cabdishakur Warsame, ayaa marti ku ah Madasha 13-aad ee PDRC Talks, oo ay qabato Xarunta Hormarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC), iyadoona Su’aalo lagu weydiin doono.

Madasha oo la qabanayo 30 bishan August oo ku beegan Axada soo socota, ayaa looga hadli doonaa ‘Ubucda Mushiladda Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo Maareynta Xilliga kala-guurka Siyaasadeed ee Soomaaliya’, sida ay baahisay xarunta Puntland Development Research Center-PDRC.

Madashan oo ah madal caan ah oo lagu gorfeeyo xaalada Soomaaliya, ayaa horey waxaa uga soo muuqday Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullahi Deni, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Khuburo kale.