VIDEO: Madaxweyne Waare oo ku eedeeyay Masuuliyiin dagaal beeleedyo ka dhacay WarSheekh

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay tuulooyinka hostaga degmadaas.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay nasiib-darro tahay in xilligaan lagu dul dagaalamo dadka Shacabka ah, isla markaana dad mas’uuliyiin ah ay colaadaasi mas’uul ka yihiin sidoo kale ay fiirsanayaan beelaha dagaalamaya.

Waxaa uu soo hadal qaaday Oday 95 Sano jir ah oo lagu dilay tuulo hoostagta degmada Warsheekh, waxaana uu sheegay in dilkaasi looga gol lahaa colaado horleh oo ka dhacda degmada Warsheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Bulshada ku nool degmada Warsheeh iyo tuulooyinka hoostaga ayuu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan nabaddda iyo horumarka degaankooda.