VIDEO: Maxkamadda Gobalka Nugaal oo dib-u-dhigtay go’aan ka gaarista Kiiska AUN Hodon Shanleyste

Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Nugaal oo saaka u fariisatay  dhageysiga Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland loogu geystay sanad iyo bar kahor AUN Marxuumad Hodan Shanleyste oo aheyd Hooyo dhashay labo Carruur ah.

Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Nugaal ayaa dib u dhigtay mar kale dhageysiga gal-dacwadeedka Kiiskan iyo  iyo go’aan ka gaaristiisa maadama uusan Maxkamadda soo xaadirin qareenkii difaacayay eedeysanayaasha loo haysto Kiiskan oo gaaray 7 Nin.

Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo kamid ah ehelada Marxuumada ayaa u mahad-celiyay Xeer ilaalinta Puntland iyo Maxkamadda, isagoona ku eedeeyay Wasaaradaha Cadaaladda & Arrimaha Haweenka iyo Hay’adaha caalamiga ah in aysan Kiiskan siin muhiimada uu lahaa.