VIDEO: Diiwaan-gelinta Ciidammada Daraawiish-ta oo ka socota Gobalka Mudug

Guddiga Dib-u-habeynta iyo diiwaan-gelinta Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa bariga Gobalka Mudug ka wada diiwaan-gelinta Ciidanka Daraawiish-ta ee ku sugan saldhiga Godod.

Wasiirka Maaliyadd Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-habeynta Ciidammada ayaa kula dardaarmay Ciidammada inay wada maraan Diiwaan-gelinta oo ay xigi doonto dib-u-habeyn iyo isku-dhaf lagu sameynayo Ciidammada.