Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Puntland oo geeryooday

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo maanta ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Daa’uud Nuur Muuse waxa uu ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee hadda. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka shacabka Puntland, Golaha Wakiillada Puntland, Guddoonka Golaha Wakiillada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu ku abaal mariyo Jannatul Fardawsa, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladiisii.