Xildhibaanada Hawiye oo ganafka ku dhuftay casuumadii Farmaajo

Casuumadii uu udiray Xildhibaanada Beelaha Hawiye ugu jira Baarlamaanka Fadaraalka way ku gacan sayreen waxayna shuruud uga dhigeen in uu magacaabo Ra’isalwasaaraha.

Wargelin:

“Madaxweynaha JFS ayaa soo dalbaday xildhibaanada HAWIYE maalinta Khamiista habeenka jimcuhu soo galaayo oo taariikhdu tahay 27/08/2020 8:00 Fiidnimo inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada villa somaliya.

NB. Xildhibaan waqtiga ilaali oo gaarsii sxbadaa

Ajandaha: dalabka madaxweynaha.”

Farmaajo ujeedka casuumadiisa waxay daarnayd in Xildhibaanada Hawiye laga dhaadhiciyo taageerida codsi uu Baarlamaanka horgayn lahaa oo ku aadan Mahdi Guuleed mudada hartay in uu sii hayo xilka Ra’isalwasaaraha.

Sida muuqata Farmaajo waa ku dhici la’a yahay in uu beesha Hawiye kasoo xusho shaqsigii buuxin lahaa kursiga awood qaybsiga ku fadhiya ee Khayre laga takhantakhiyay.

Beesha Hawiye waxay markan dareenaysaa in ay awood qaybsiga dalka ka maqan yihiin oo Farmaajo hoos udhigay.

Jibril Qoobey.