XOG WARAN: Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ku shiray Garoowe & Beesha caalamka oo ku wajahan

Garowe waxaa ka dagi doona wafti ka kala socda IGAD,Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Sida balantu tahay inta ka dhiman bishan waxay beesha caalamku qorshaynaysaa in laysku soo dhaweeyo labada garab ee Puntland iyo Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Dowlada Fadaraalka.

Siyaasada Somaliya todobaadkan waxay yeelan doontaa wajiyo kale hadii rabi idmo.

Sida la filayo Farmaajo in uu Garowe yimaado ayay ubadan tahay,balse waxaa jira kulamo gaar ah oo usocda Puntland iyo Jubbaland oo wax badali kara.

Warka Warbaahinta qaar ay qortay ee oranaya Madaxweynayaasha Jl iyo Pl,ayaa Xamar tagaya waa kuwo caata ah oo laga mara awaalay kulamada wadatashi ee Puntland iyo Jubbaland.

Wax walba waxay ku xiran yihiin kulamadaas,waxaase la hubaa in Farmaajo diyaar u yahay imaanshsha Garowe hadii dhanka Puntland iyo Jubbaland ogolaansho laga helo.

Tagid la’aantii Dhuusamareeb ee Jl iyo Pl waxay ahayd fursad siyaasadeed oo ay siday tahay uga faa’idaysteen, korna usii qaaday gorgortankooda.

Sidoo kale weli Puntland iyo Jubbaland waxay kasii faa’idaysan doonaan fursadaha jira ee ugu horayso dhabar ujeedinta beesha caalamka iyo Somalida waxii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb-3.

Farmaajo wax kaleba ha joogeene in uu socodsiiyo doorasho dadban waxay uga xiran tahay Jl iyo PL raali ahaanshahooda.

Bisha inta ka hartay haduusan la heshiin Puntland iyo Jubbaland waxaa si toos ah xaalada ula wareegaya beesha caalamka,waana midaas mida uu hada qaracanka ka yahay.

Madaxweyne Farmaajo waxuu shacabka caadiga ah ka gadaa in uu soo celiyay qabkii Somalininada,waa sida uu sheegto,balse aysan waxba ka jirin.

Jibril Qoobey.