Dib uhabaynta Ciidanka Puntland oo si habsami leh uga socota Mudug

Maalintii labaad xerada ugu wayn ciidanka dowlada Puntland ay ku leeyihiin gobolka mudug ee godod oo Gaalkacyo u jirta 30Km dhanka bari waxaa si wanaagsan uga socda howsha tira koobka & dib habaynta ciidanka dowlada Puntland.

Gudiga dib habaynta ciidamada dowlada Puntland, xubno kasocda baarlamaanka dowlada Puntland, taliska guud ee ciidanka daraawiishta dowlada Puntland,taliska guud ee ciidanka booliska dowlada Puntland ,& Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi kusugan.

Dhamaan ciidanka daraawiishta ee dowlada Puntland ee kusugan gobolka mudug ayaa halkaasi ku maraya habka casriga ah ee diiwaan galinta ciidamada waana hab lagu xaraynayo xogta askariga oo dhamaystiran.


Howsha dib uhabaynta & diiwaan galinta ciidamada dowlada Puntland ayaa maalmahaan ka soconaysa gobolka mudug iyadoo horey looga soo hirgaliyay gobolada & degmooyinka dowlada Puntland.

Cabdulaahi Yare.