Erdogan iyo Trump oo wada-hadallo yeeshay

Madaxweyniyaasha Turkiga Tayyip Erdogan iyo Donald Trump ayaa telefoon kaga wadahadlay xiriirka labada dhinac, arrimaha gobolka iyo xiisadda ka taagan badda Mediterraneanka ee u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga, sida uu sheegay xafiiska madaxweyne Erdogan.

Xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga ayaa sare u kacday markii xukuumadda Ankara u dirtay markabkeeda sahminaya biyaha lagu muransan yahay ee bariga badda Mediterranean talaabadaas uu Athenis ugu yeertay sharci daro.

Labadan dal oo ka wada tirsan gaashaan-buurta NATO ayaa si weyn isu maan dhaafay waxayna wada sheeganayaan milkiyadda kheyraadka ku jira biyahaas oo uu kamid yahay gaas dabiiciga ah, iyadoo muranka labada dhinac uu salka ku hayo qalfoof badeedka ay ku firirsan yihiin jaziirado Giriigu leeyahay.