EU NAVFOR “Ma jiro Markabk lagu afduubtay xeebaha Puntland” (Akhriso)

Hawlgalka Midowga Yurub u qaabilsan La-dagaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya, ee loo soo gaabiyo EU NAVFOR, ayaa war rasmiya ka soo saaray Markabka Xamuul ah oo Todobaadkii hore ku cilladoobay Xeebaha Bari ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay EU NAVFOR, ayaa lagu sheegay inay been abuur yihiin wararka ku saabsan in Burcad-badeed afduubtay Markabka Aegean ll, oo ka yimid dekedda Shaariqa ee Waddanka Imaraatiga, kuna socday Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, halkaas oo uu shidaal u siday.

Qoraalka waxa lagu sheegay, in Markabka oo ku gooshayay Calanka Panama, oo ay saarnaayeen 20 shaqaale ah uu Todobaadkii hore ku cilladoobay Xeebta Degmada Bareeda ee Raasiga Gacanka Gardafuu.

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu xusay in lix askari oo ka tirsan Booliiska Gardafuu loo diray Markabka, si ay u hubiyaan, kadib markii laga shakiyay dhaqdhaqaaqiisa, kuwaas oo soo xaqiijiyay Markabka cilladaysan, balse aysan ahayn Burcad-badeed afduubtay.

EU NAVFOR, waxay xaqiijiyeen in kadib markii la cillad-bixiyay uu Markabkaasi u shiraacday dhinaca Muqdisho, isagoo aan wax afduub ah la kulmin, islamarkaana ay bed-qabaan dhammaan Shaqaalihii saarnaa.