Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow oo galabta ah dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, kaddib safar qaatay 3 maalmood oo uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa Garoowe waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.