Madaxweynaha Oromada oo afka furtay, dushana u ritay qaska ka socda Degaanadiisa

Madaxwaynaha Ismaamulka Oromada Shimales Abdisa oo Bulshada Baali kula hadlayay, ayaa sheegay in maamulkiisaa oo uu isagu ugu horeeyo dusha saaranayo shaqaaqoyinkii dhawaan Oromiya ka dhacay.

“Wixii Oromiya ka dhacay masuuliyadeeda annigaa iska leh, anniga kow ka ah,Maamulka sare illaa maamulka hoose waa innaan dusha saartaan wixii dhacay” ayuu yiri Madaxweynaha Ismaamulka Oromada.

Madaxweyne Shimales Abdisa ayaa intaas ku daray “Hadda kaddib Boolis layma soo amrin leh oo dad la laynayo daawada aqbali mayno,maamul meeshuu ka talinayay dil iyo boob laga gaysto oo iska daawada ka aqbali mayno.”

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Ormada Shimales Abdisa oo haddalka sii wata ayaa yiri “Dulqaadkii wuu naga dhamaaday, hadda kaddib fursad masiinayno kuwa dalka burburinaya. Wixii dhacay magac bixin umma baahno, waxay ahayd dhacdo fool xun”