Maxkamada sare Ee Somaliland oo aqbashay codsi Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa Maxkamada Sare ee maamulkaas u gudbiyey qoraal ku taariikhaysnaa 12/08/2020 oo summadiisu ahayd JSL/XM/MS/100-545/08/2020, kaas oo ujeedadiisu ahayd dacwad dastuuri ah oo ku saabsanayd qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr.20-2/05 oo uu madaxweynuhu hore ugu gudbiyey Maxkamada Sare.

Sidaa darteed, Maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland,ayaa maanta qaraar ka soo saartay qoraalkii Madaxweynuhu u gudbiyey, waxaana uu u dhignaa sidan:-