Muxuu Madaxweyne Farmaajo u baajiyay kulankii uu ugu yeeray Xildhibaanada HAWIYE ? (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa baajiyay kulan uu isugu yeeray Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ku matala Beelaha Hawiye, kaddib markii baraha bulshada ay is qabsatay hadal-heyn ku aadan dhaqanka cusub ee uu lasoo baxay Madaxweynuhu iyo damaciisa.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS kana soo jeeda Beelaha Hawiye, ayaa sheegay in Xildhibaannada kol sii horeysay fariin loo diray, islamarkaana uu madaxweynaha ka dalbaday in ay u yimaadaan, hayeeshee saacado kaddib Xildhibaannada lagu wargeliyay inuu kulankaasi baaqday.

Xildhibaan Jindi oo ka hadlayay sababta uu kulanka u baajiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa in madaxweynaha uu ka maarmay xildhibaannada, islamarkaana arrintii uu ka lahaa uu meel kale helay”

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli lahaa Xildhibaanada Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dalban lahaan in xilkaas loo daayo Mahdi Maxamed Guuleed, maadama bilo yar ay hareen, hadii kalena ay ku taageeraan muddo kororsi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Kulanka Madaxweynuhu u baajiyay kaddib markii uu ogaaday inuu jiro qorshe ay wadaan Xildhibaanadu oo ku aadanaa in aysan tagin kulanka, taas oo keentay inuu ku deg dego baahinta balantii.

Beelweynta Hawiye ayaa hadda ka maqan Dowladda Federaalka Soomaaliya marka loo eego Awood qeybsiga 4.5 ee Soomaalidu ku dhisan tahay, maadama uu meesha ka maqan yahay muddo ka badan bil Ra’iisul Wasaarihii dalka, Wasiiraduna ay sii hayayaal yihiin.