Ninkii Muslimiinta ku laayay Masjidkii News Land oo xukun lagu riday

Maxakamad ku taalla New Zealand ayaa xukun ku ridday ninkii 51-ka qof ku laayay labada misaajid. Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in oo aan sideyn sharafeed lahayn. Waa qofkii ugu horreeyay ee taariikhda dalka New Zealand soo mara xukunkan.

Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi Australia ayaa horay u qirtay dambiga ah inuu dilay 51 qof, isagoo sidoo kalana isku dayay inuu weerarkiisa saddexaad ku dilo 40 qof oo kale.
Xaakimka ayaa ficilladiisa ku tilmaamay kuwa “bini’aadanimada ka baxsan” Waxa uuna intaasi ku daray inusan muujin “naxariis yar xitaa.”

Weerarkaasi ayaa ahaa mid dunida oo dhan ka argagaxday, kaasi oo dhacay 15-kii bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay. Weeraka ayaa waxa uu New Zealand u horseeday in la soo rogo sharci adag oo ka dhan ah hubka.

Waa warbixin degdeg ah oo hadda ina soo gaartay, faafaahin dheeraad ahna waxaad naga filaysaan goor dhaw. Fadlan cusboonaysii bogga si aad xogta oo dhameystiran u heshid.