Puntland oo mashaariic ka dhagax-dhigtay Gobalada Sool & Cayn (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Boocame ee Gobalka Sool.

Waftiga Wasiir Lugatoor ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Xildhibaan Cabdirixmaan Muuse, Masuuliyiinta kamid ah Wasaaradda Waxbarashada Puntland, iyo Sarakiil katirsan Hay’adda Care, iyagoona ujeedadoodu aheyd daah-furka 8-iskool oo 2-kamid ah ay yihiin dugsi sare oo dhameystiraan, halka 6 kale lagu sameyn-doono balaarin iyo dayactir.

Sidoo kale, Sideedan Iskuul ayaa 3-kamid ah laga hirgalinaya Gobolka Sool, halka 5 kalena laga hirgalinayo Gobolka Cayn, waxaana ay qeyb ka yihiin Barnaamijka Waxbarashadu waa IFTIIN oo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland ay ka taageeraan Midowga Yurub & Hay’adda Care.