Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed

Maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa soo bandhigay Nin ay sheegeen in uu kamid ahaa saraakiisha Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada uu isku soo dhiibay.

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Xasan ayaa mas’uuliyiinta Maamulka degmada Qansax-dheere waxaa ay sheegeen in uu muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgalayay tuulooyin hoostaga degmada.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkan uu Ciidamada isku soo dhiibay isaga oo watay Qori AK47 iyo Booshkiisa, kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaato ay Shacabka ku hayaan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u soo bandhigaan Saraakiil iyo Ciidamo uu midba midka kale uu sheego in uu dhankiisa isku soo dhiibay walow bilihii la soo dhaafay ay arrintaasi yaraatay.