Shariif Xasan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, ahna guddoomiye ku-xigeenka madasha xisbiyada qaran ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay senatoro, xildhibaanno, iyo qaar ka mid ah wasiirrada sii hayeyaashaa ah.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaan weli ka hadlin ujeedka dib ugu soo laabashadiisa caasimada dalka, iyadoo ay haatan arrimaha siyaasada dalka ay sii galayso waji horleh oo ku aadan doorashooyinka dalka.

Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo sidoo kale soo noqday Guddoomiyihii Baarlamaankii KMG ahaa ee Dowladihii AUN Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Soomaalida, waxaana uu door muuqda kasoo ciyaaray Is-bedeladii dalka.