VIDEO: Dhismaha garoonka Ciyaaraha Mire Awaare oo bilowday

Shaqadii Garoonka kubadda Cagta mirre Awaare Ayaa saaka toos u bilaabay,iyadoo shalay Garoowe uu soo Gaaray Engkii dhigi lahaa rooga oo bilihii udanbeeyay Ku Xayirnaa wadanka turkiga sababo la xariira covid-19.

Munaasabad lagu daah-furayey shaqada oo ka dhacday Garoonka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo shaaqalaha puntland, xildhibaan cali xoosh oo kamid baarlamaanka DFS iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha guddiga dhismaha Garoowe Maxamed Ciiro, ayaa sheegay in mudo ku dhow labo bilood ay ku dhamaystiri doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, oo daah-furay dhismaha garoonka ayaa bogaadiyay guddiga gacanta ku haya, isagoona sheegay in garoonkan uu wax badan ka badali doono damaca iyo aqoonta dhalinyarada Ciyaara kabdda cagta ee kunool degaanada Puntland.