Warbixin: Madaxweyne Farmaajo oo shaqadii ka joojiyay Col. Shuute & FAHAD oo wada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shaqa joojin ku sameeyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo kamid ah Hey’adaha ugu mihiimsan ee dalka, isagoona muddo ku dhow bil uu Madaxwaynuhu ka leexleexanayo in uu u cusboonaysiiyo waqti Xileedkooda madaxda Maxkamadda Ciidamada, sida ay Saraakiil dhanka amniga ah u sheegeen Shabakadda Idil News.

Madaxda Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa labadii sanaba mar la cusboonaysiiyo muddo xileedkooda, ka war-wareegista Madaxweynaha ee u cusbooneysiinta xilka ayaana timid kaddib markii ay tiro ka dhowr jeer isku qabteen arrimo la xiriira Al-Shabaab Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo lagu xanto Milkiilaha dowladda.

Khilaafka Fahad iyo Maxkamadda ciidamada ayaa ka soo billowday ka dib markii ay isku qabteen arrinta Max’ed Xaaji Ilkacase oo ah Horjoogihii ugu qatarsanaa Alshabaab ee la qabto, kaas oo la shaqaynayay NISA, balse ay ogaadeen Madaxda Maxkamadda Ciidamada in uu yahay nin halis ku ah ammaanka Muqdisho, sidaasna ay ku xireen, balse arrintaasi ayaa ka caraysiisay Fahad Yaasiin oo isku dayay inaan Maxkamad la geyn Ilkacase, balse taasi wuu ku fashilmay.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa ka war heshay dad si qarsoodi ah ay ku dileen Ciidanka NISA oo qaarkood la soo dhigay Maydadkooda duleedka Muqdisho iyo Nin watay Mooto Bajaaj oo isna ay si qarsoodi ah u dileen NISA, balse Mootadiisii muddo ka dib Boliisku ku qabteen dhar cad Nabadsugidda ka tirsan, iyadoona arrintaasi ay cirka sii galisay xiisaddii jirtay, waxayna Maxkamaddu ka dalbatay Fahad Yaasiin inuu Sharciga hor keeno Kooxaha u shaqeeya isaga ee sida qarsoodiga ah dadka ku dila.

FAHAD YAASIIN oo Madaxwaynaha ka gows haysta wuxuu dagaal ku qaaday Madaxda Maxkamadda Ciidamada, isagoona Madaxwayne Farmaajo ku qanciyay in uusan u cusboonaysiin waqti xileedka Madaxda Maxkamadda Ciidamada oo ah halka kaliya ee uu dhab ka yahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, waxayna taasi sii xoojinaysaa xantii ahayd inuu jiro xiriir ka dhaxeeya Taliyaha NISA iyo Kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayay u tahay fursadii ugu weynayd haddii ay meesha ka baxaan Madaxda Maxkamadda Ciidamada oo ay hoggaamiyaan Col. Xasan Cali Nuur “Shuute” & Gaashaan Liibaan Cali Yarow, oo ay u arkaan khatarta ugu wayn ee ka heysata Muqdisho iyo gobollada dalka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiye Xasan Cali Nuur “Shuute” oo ah Shakhsiga ugu awoodda iyo saamaynta badan Garsoorka Ciidanka lagu badalayo C/llaahi Dheere iyo C/axmaan Shareeco oo midkood ku hayb ah Shuute, waxayna labaduba hadda ka tirsan yihiin Maxkamadda, balse ma lahan Khibrad Garsoor.

Maxkamadda ayaa laga joojiyay dhagaysiga dacwadaha saddexdi Todobaad ee ugu dambaysay, iyadoona uu hakad ku jiraan dhageysiga iyo xukunka kiisas ay kamid yihiin kuwo Argagixiso oo ka dhacay Muqdisho.