Wasiir Dhabancad oo magacaabis sameeyay (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka Iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Galdogob, u magacaabay Cabdinuur Cabdullaahi Cilmi.

Sidoo kale, Wasiir Dhabancad ayaa faray Maamulka Gobalka Mudug iyo kan Degmada Galdogob fuliyaan dhaqan gelinta magacaabidda, lana shaqeeyaan xoghayaha cusub ee Degmada Galdogob.