Wasiirada Caafimaadka Puntland & Jubbaland oo booqday Xarunta baarista COVID-19 (Sawirro)

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo uu weheliyo dhigiisa Jubbaland Dr. Mursal Maxamed Khaliif ayaa kormeer ku tagay xarunta shaybaarka Puntland.

Wasiirada ayaa warbixin ka dhagaystay Madaxa shaybaarka COVID-19 Puntland Maxamuud Xuseen, waxaana uu uga waramay shaqooyinka ay qabtaan, iyo marxalada uu maro dheecaanka dadka laga soo qaaday, Wasiiradda ayaa mid mid ugalay qaybaha uu shaybaarku ka koobanyahay, iyo shaqada ka socota.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan, oo Saxaafadda la hadlay kaddib kormeerka ayaa ugu horayn u mahadceliyay Wasiirka Jubbaland, isagoona sheegay in kormeerkaan uu ahaa mid Masuuliyiinta uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jubbaland ay kula wadaagayeen khibrada iyo waxyaabaha ay kaga horeeyaan.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Dr. Mursal Maxamed Khaliif, ayaa bogaadiyay shaqada la socota xarunta shaybaarka COVID-19 ee Puntland, waxaana uu uga mahadceliyay Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo shaqaalaha xarunta sida ay ugu soo dhaweeyeen.