NISA oo shaacisay in uu xanuunsanayo Hoggaamiyaha Al-Shabaab

Barta Twitter-ka ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu daabacay in arrimo caafimaad awgeed Awooddi Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda si KMG ah loogu wareejiyay Abuukar Aadan oo ahaa Kuxigeenlisa.

Sidoo kale, Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in loolan culus uu ka dhaxeeyo labo garab oo Kooxda ah ayna kala hoggaaminayaan Mahad Karateey iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa Horjooge cusub.

Ma aha markii ugu horeysay ee Barta Twitter-ka Hay’adda NISA oo uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin oo lagu xanto inuu la lee yahay Argagixisada, lagu shaaciyo warar ku saabsan Kooxda Al-Shabaab, Dadka falanqeeya Arrimaha amniga ayaana aaminsan inay talaabadani dhaawac ku tahay Hay’adda NISA oo aan horeyto kolsooni badan uga heysan Shacabka Soomaaliyeed iyo Zaaxibada caalamka.