Doorashada Tigreega iyo walwalka Abiy

Aqalka-sare ee Fadaraalka Itoobiya,waxuu ka arin sanayaa Doorashada Tigreega ee todobaadka danbe.

Worku Adam,Madaxa Gudiga Arrimaha Dastuurka oo saxaafada la hadlayay,ayaa sheegay in Doorashada Tigreegu ay tahay mid sharci daro ah oo aan noqon karin xor iyo dhex’dhexaad.

Worku Adam waxuu sheegay in Aqalka sare lka arinsanayo laba qodob oo kala ah….

B.Sidii loo joojin lahaa Doorashada Tigreega.

T.Sidii laga yeeli lahaa Doorashadaas haddii ay qabsoonto.

Gudoomiyaha Aqalka-sare Aadan Faarax,ayaa warqad horay ugu qoray Madaxweynaha Tigreega,balse wax jawaab celin ah kama helin.

Ugu yaraan 5-hay’adood oo caalami ah,ayaa udirsanaya goobjoogayaal Doorasgada Tigreega,kuwaasoo ay ku jirto ICJ.

Tigreega,ayaa horay uqaadacay dib udhigista Abiy ee doorashadii guud ee Itoobiya waxayna sheegeen in ay iskood uqabsan doonaan mid ugaar ah oo ka madaxbanaan Xaafiiska Ra’isalwasaare Abiy.

Jibril Qoobey.