Ciidammada DANAB oo howlgallo ka sameeyay Wadada xariirisa Muqdisho – Jowhar (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka sameeyay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Howlgalkaan oo ahaa mid lagula dagaallamayay  Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah shacabka ugu dhibi jiray  inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Ciidanka dowlada ayaa sheegay intii ay howlgalka wadeen in ay dileen xubno ka mid ah Al-Shabaab.

Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandooska Xoogga Dalka ee Danab    ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen howlgalka ay waddada ka soo saareen  Miinooyin  Al-shabaab ay galiyeen inta udhexeeysa degmada Balcad iyo magaaladda Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.