Guddiga Doorashooyinka Puntland oo kulan yeeshay (Sawirro)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah shirkiisii toddobaadlaha wuxuu kaga hadlay qorshaha wacyigalinta bulshada ee doorashooyinka iyo kulamada qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga waxaa uu sidoo kale Isla eegay qaabka ay Ururada Siyaasada Puntland uga baahin karaan farriimahooda TV-ga Dowlada Puntland.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhowaan siiyay 10 Urur Siyaasadeed shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo, waxaana ay 10 Urur ka qeyb-gali doonaan Doorashooyinka Golaha Degaanka ee Puntland oo qabsoomaya dabayaaqada sanadka soo socda ee 2021, iyadoona 3 Urur ee ugu cod bata noqon doonaan Xisbi Siyaasadeedyada Puntland.