Guddoomiye Finish oo eedeeyay QoorQoor, Waare & Lafta-gaareen (VIDEO)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyey shirkii uu dhawaan uga qeyb-galay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug & War-murtiyeedkii kasoo baxay.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in isaga iyo Farmaajo uu qorshahooda ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse ay taasi si weyn uga soo hor-jeesten madaxda maamuladii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb-3.

Filish ayaa madaxda maamul goboleedyada shirkaasi ku sugnaa ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ku eedeyay inay sameyn waayeen tanaasul, maadama madaxdii dowladda federaalka iyo midka gobolku ay waqti badan isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan qorshahaaasi.

Mr. Cumar Filish xusay in isaga iyo Farmaajo ay markii dambe sameeyen tanaasul, taasi oo keentay in shirkaasi ay kasoo baxaan go’aamo u muuqday in dalka ka dhaceyso doorasho dad-ban.