Jilaa caan ah oo geeryooday

Jilaagii caanka ahaa ee Reer Mareykan Chadwick Boseman, oo ahaa 43 sanno jir ayaa ku geeriyooday magaalada Los Angeles.

Atoorahan oo kaalin libaax leh ka qaatay filimkii Black Panthe ayaa qoyskiisa oo uu kula noolaa Los Angeles xaqiijiyeen in uu geeriyooday.

Chadwick Boseman ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay ku jiray isbitaal, waxaana uu ugu dambeyntii uu u geeriyooday xanuunka kansarka.

“Chadwick waxa uu ahaa Dagaalyahan geesi ah, waxa uuna idin soo jilay filimaan aad wada jeclaateen.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay qoyskiisa.

Filimaantii uu jilay waxaa ka mid ahaa Marshall to Da 5 Bloods iyo Black Panthe oo uu aad ugu soo caanbaxay