KHEYRE oo Xalane kula kulmay Safiirada Beesha Caalamka, kana dalbaday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho Safiiro katirsan Beesha Caalamka.

Xasan Cali Kheyre ayaa wararku sheegayaan inuu si gaar ah ula kulmay Safiiro uu ku jiro Danjiraha Mareykanka Amb. Donald Yamamuto, isagoona dacwo ka ahaa Zaaxiibkiisii hore ee Siyaasadda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo rasmi ah.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya inuu Mr. Kheyre ka dalbaday Safiirada Beesha Caalamka inay ka shaqeeyaan sidii uu dalka uga bixi lahaa, maadama ay xanibaad uu kusoo rogay Madaxweyne Farmaajo & Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Safiirada Beesha Caalamka ayaa u sheegay Kheyre inay dadaal u gali doonaan inuu safarkiisa aado, balse uu ka war-sugo. Xasan Cali Kheyre ayaana 2 jeer laga celiyay todobaadkii tagay inuu ka duulo garoon diyaaradaha Muqdisho xilli uu kusii jeeday magaalada Nairobi oo uu uga sii gudbi doono dalka Norwey oo uu dhalasho ka heysto, waqti dheerna uu ku noolaa.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa lagu xasuustaa intuu kursiga joogay naqdinta doorka Beesha Caalamku ku lee dahay talada dalka iyo xalinta arrimaha soo istaaga, balse haatan ayuu u muuqdaa inuu xasuustay Awoodooda.