Kumanaan Ruux oo banaan-baxyo ka dhagay Washington DC

Tobanaan kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada Washington, DC jimcihii si ay u dhalleeceeyaan cunsuriyadda, mudaharaad looga soo horjeedo arxan darrada booliiska iyo xuska sanadguurada 1963 ee xuriyada xuquuqul insaanka markii Martin Luther King Jr ka dhigay khudbadiisa caanka ah “Waxaan leeyahay Riyo”.

Banaanbaxyadda ayaa Sanadkaan halku dhigooda ka dhigtay Jilibka ka qaad luqunteyda, taasi oo ay dadka ku muujinayeen qaabkii loo dilay George Floyd bishii May ee sanadkan.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in sanadkaan banaanbaxyada ay ka ballaaran yihiin Sanadyadii hore, islamarkaana qaarkood ay dhigteen baco iyo teendhooyin bartamaha wadata.

Kimberly Jones, oo ah haweeney Madow ah oo ka soo jeeda gobolka Illinois, waxay ka mid ahayd boqolaal ruux oo dhigayay banaanbaxa.

“Konton-iyo-toddoba sano ka dib waxaan wali la dagaallameynaa sinnaan la’aanta” ayay tiri Kimberly Jones.

Waxa ay intaasi kusii dartay” Waan xanaaqsanahay, waan wareersan nahay, waana niyad jabnahay,”