Qaxooti Suuriyaan ah oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay soo gaareen 10 qoys oo ah siiriyaan kasoo qaxay dagaalada ka socda dalkooda, safar dheer ayay soo galeen iyagoo dhowr magaalo oo soomaaliya ah soo marey ugu dambeyna Dhuusamareeb yimid si ay u helaan goob amni ah.

Maamulka degmada Dhuusamareeb iyo culumada Caasimada ayaa gacan walaalnimo u fidiyay reerahan, goobo ay dagaan iyo gurmad kale ayaa la gaarsiiyay iyadoo maamulku u balan qaaday dhul ay dagaan hadii ay go’aansadaan in ay sii joogaan Dhuusamareeb.

Qoysaskaan ayaa ka mid ah boqolaal Suuriyaan oo kasoo barakacay dagaallada ka socda dalkooda, kuwaasoo qaarkood ay soo gaareen degaano ku yaalla Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dowlad degaanka Soomaalida iyo sidoo kale magaalada Hargeysa ee Somaliland.