Sanbaloolshe “Kursiga Ra’iiul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Hawiye ayaa..” (VIDEO)

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa ka hadlay magacaabis la,aanta Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu jabiyay caado soo jireen ah iyo Dastuurka Dalka.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in sababta Madaxweyne Farmaajo uu u soo magaacabi la yahay Ra’iisul Wasaaraha ay tahay inuu doonayo miiska Siyaasadda uu ka saaro Beesha Hawiye, oo awood qeybsi ahaan Kursiga iska leh, lagana gaaro heshiis Doorashooyinka Dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaare uusan jirin, balse ay ku baraarugsan yihiin.

“Kursiga Raisul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Hawiye ayaa miiska siyaasada iyo talada ka maqan” ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe.

Mr. Sanbaloolshe ayaa intaas ku daray inuusan Madaxweyne Farmaajo dooneyn Ra’iisulwasaare la gooya talada Dalka isagoona yiri “Waxa uu raadinayaa Raisul Wasaare gadaal indho ku leh”.