Sidee ugu diyaar garowday Madaxtooyada Puntland socdaalka Xamar?

Madaxtooyada Puntland si weyn ayay uga digtoon tahay kooxda Villa-da degan.

120-Askari iyo koox hab maamuuska ah,ayaa gaaray Muqdisho.

Halka uu dagayo Madaxweynaha,ayaa ugu muhiimsan in la qorsheeyo oo la sugo amaankeeda.

Sida warar kala duwan oo aan lawada xaqiijin karin sheegayaan Madaxweyne Deni waxuu dagayaa dhawr meelood midkood…

B.Hotel Decale garoonka Aadan-cade
T.Hoygii uu daganaan jiray waayihiisii Wasiirka
J.Gudaha Madaxtooyada Villa Somaliya

Sida xoguhu iftiiminayaan way ka diyaar garowday Madaxtooyada Puntland socdaalkan.

Balse feejignaanta ugu saraysa waxaa laga rabaa in ay ka galaan halka Madaxweynuhu dagayo,iyagoo ay tahay in Qolalka dhexdooda aad ay ubaaraan gacantana ku qabtaan.

Muhiimadu waa in Camera aan Qolalka iyo Musqulaha loogu xirin Madaxweynaha sidii ku dhacday Waare iyo Laftagareen.

Ilaa iyo hada Madaxweyne Waare waxuu dhibane uyahay Camera qarsoon oo laga duubay,isagoo xaajo gaar ah ku jira,taasoo uu ku dooday in ay xaaskiisa ahayd balse Fahad ku sheegay si kale.

Jibril Qoobey.