Xiisadda Turkiga iyo Giriiga oo xoogeysatay

Turkey ayaa sheegtay in labada toddobaad ee soo socda ay howgal milatari ku qaban doonto dhanka waqooyi galbeed ee Qubrus, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhaxaysa Greece oo ku saabsan muran ka taagan sheegashada xuquuqda sahminta ee bariga badda Mediterranean ka.

Murankan mudada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga, oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO, ayaa sii kordhay kadib markii labada dal ay heshiisyo isdiidan oo dhinaca xuduudahooda badda ah la kala saxiixdeen dalalka Libya iyo Masar, iyo ka dib markii uu Turkigu bishan markab sahan ah u diray biyaha lagu muransan yahay.

Labada dhinacba waxa ay qabteen laylisyo militari oo ka dhacay bariga badda Mediterranean ka, taasi oo muujinaysa suurtagalnimada muranka ka dhaxeeya in uu isku bedelo iska horimaad.

Laba toddobaad ka hor, maraakiibta Giriiga iyo kuwa Turkiga ee ilaalinaya markabka sahminta saliidda iyo gaaska ee Turkiga ee Oruc Reis ayaa isku dhacay, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga oo xustay in dayuuradaha F-16 ee Turkiga ay Khamiistii ka hortageen lix diyaaradaha F-16 ee Giriiga oo soo galayay aag ay Turkigu ka howlgalayeen.

Habeenimadii Jimcaha, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiiska Navtex – oo ah farriin la talin ah oo uu siiyay ciidamadiisa badda, waxaana farriinta lagu sheegay in ay qaban doonaan “layli hub ah” laga bilaabo Sabtida maanta ah ilaa 11-ka Sebtember kana dhaceysa waqooyiga-galbeed Cyprus.