Brazil: Tirada dadka u geeriyooday COVID-19 oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka ee wadanka Brazil ayaa sheegtay in 24’kii saac ee ugu danbeeyay ladiiwaan galiyay 758 ruux oo u dhimatay xanuunka Covid-19.

Sidoo kale kiisaska cusub ee ladiiwaan galiyay ayaa ka badan 41,000 oo ah xaaladaha cusub ee xanuunka.

Haatan tirada dhimashadu waxa ay ka badan tahay 120,000 iyadoona tirada guud ee kiisasku ay ku dhaw yihiin afar milyan oo kiis.

Guud ahaan kiisaska laga diiwaan galiyay caalamka oo idil ayaa ku dhaw 25 milyan oo kiis waxaana uu cudurka uu u muuqdaa mis kusii baahayo wadamada qaar.