Diyaarada Turkish Airline oo ku ciladowday Hawada Soomaaliya

Diyaarada Turkish Airline ayaa ku ciladowday iyadoo ku jirta Hawada Soomaaliya, kaddib markii saacad kahor ay ka kacday Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho.

Duuliyayaasha ayaa ku wargaliyay Rakaabkii saarnaa diyaaradda iney ciladowday diyaaraddu, dibna ay ugu laabanayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo markii dambe ay kasoo degtay.

Diyaarada Turkish Airline ayaa ku wajahnayd xilliga ay ciladoobeysa Dalka Turkiga, waxaana saarnaa rakaab fara-badan oo u badnaa Soomaali.